Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday shirkad American ah oo kutaal Waqooyiga Ciraaq.

Wednesday June 19, 2019 - 12:10:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday shirkad American ah oo kutaal Waqooyiga Ciraaq.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar lagu qaaday saldhig ay dowladda Mareykanka ku leedahay wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in markale weerar lagu qaaday saldhig ay dowladda Mareykanka ku leedahay wadankaasi.


War kasoo baxay wasaaradda difaaca xukuumadda Shiicada Ciraaq ayaa lagu sheegay in xalay saqdii dhexe weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga shirkad American ah oo xarun ku leh Koonfurta wadanka Ciraaq.

Kooxo hubeysan oo loo malaynayo in ay xiriir laleeyihiin dowladad Iiraan ayaa dhowr mafac lahelay xarunta shirkadda Ex On Mopil oo ah shirkad shidaal oo dowladda Mareykanku leedahay.


Mas'uul u hadlay maamulka gobolka Albasrah ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan sedax qof oo kamid ahaa shaqaalaha shirkadda American-ka ah ay ku dhaawacmeen weerarka oo loo adeegsaday madaafiicda loo yaqaan Kaatiyoosha.

Shirkadda Ex On Mopil ayaa maalin walba soo saarta 4.7 Milyan oo Barmiil, waa weerarkii 2aad oo bishaan gudaheeda lagu qaado shirkadaha naftada ka shaqeeya ee dowladda Mareykanka gacanta ku heyso, 17-kii bishaan ayay aheyd markii sidaan oo kale loo weeraray shirkad shidaal oo kutaal magaalada Taaji ee gobolka Salaaxudiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items