Ciidamada Burundi oo 24 Askari ku dilay deegaan dhaca Duleedka Muqdisho.

Wednesday June 19, 2019 - 14:13:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Burundi oo 24 Askari ku dilay deegaan dhaca Duleedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degaanka Arbacow oo ka tirsan Ceelasha Biyaha, kaasoo dhex maray ciidamada shisheeye ee Burundi iyo kuwa DF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan AMISOM
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay degaanka Arbacow oo ka tirsan Ceelasha Biyaha, kaasoo dhex maray ciidamada shisheeye ee Burundi iyo kuwa DF.



Dagaalku wuxuu yimid kadib markii ay xerada Turkidu heystaan ee Jasiira ay kasoo bexeen kolonyo tobannaan gaadiid ah oo ay wateen ciidamada DF ee halkaasi lagu tababaray si ay dhaqdhaqaaqyo u sameeyaan.

Ciidamadan ayaa soo maray dhulka u dhaxeeya Jasiira iyo Ceelasha Biyaha iyagoo si lama filaan ah uga soo dul dhacay ciidamada Burundi ee heysta Arbacow oo difaac ku jiray kana baqayay weeraro uga yimaada milatariga Al-Shabaab.



Burundeyska oo maqlay dhawaqa gaadiidka ciidamadan wateen ayaa usii diyaar garoobay waxaana ay durbadiiba ku billaabeen hub culus iyo mid fudud, xaaladduna waxay isku badashay mid dagaal iyadoo dhinacba dhanka kale uu u qaatay Al-Shabaab.

Ciidamada DF ayaa looga adkaaday dagaalkaas waxaana laga dilay inta la xaqiijiyay 24 askari, halka Burundeyska laga dilay 5, tiro kalana laha dhaawacay.

Saaka waxaa ciidamada Burundi usoo degay dayuurado nooca qumaatiga u kaca ah oo daabulay meydadka iyo dhaawacyada. Xerada Arbacow ayaa waxaa ku shirsan saraakiil Burundeys iyo ajaanib kale oo ay wehliyaan saraakiisha DF. Waxaana laga munaaqashoonayaa dhacdadan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxa DF iyo madaxda ciidamada shisheeye.


Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items