Shiinaha iyo Turkistanta Bari Wax badan ka ogoow [Warbixin].

Wednesday June 19, 2019 - 20:20:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha iyo Turkistanta Bari Wax badan ka ogoow [Warbixin].

    Muslimiinta Uyghurka ah ee Turkistanta Bari waxay wajahayaan ollole isir sifeyn ah oo aad u qalafsan. Waxaan wax ka taaban doonaa taariikhda Turkistanta Bari, marxaladaha uu soo maray gumeysiga shiinahu iyo sida ay uga falceliyeen Muslimiinta iyo caa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muslimiinta Uyghurka ah ee Turkistanta Bari waxay wajahayaan ollole isir sifeyn ah oo aad u qalafsan. Waxaan wax ka taaban doonaa taariikhda Turkistanta Bari, marxaladaha uu soo maray gumeysiga shiinahu iyo sida ay uga falceliyeen Muslimiinta iyo caalamka kale.


Qoomiyadaha dega Turkistanta bari waxay leeyihiin xadaarad 4,000 oo sanno ah. Islaamka ka hor waxay haysteen diimo ay kamid yihiin dab caabudka iyo Budhistaha. Markii uu islaamku soo gaaray Bariga Turkistan waxaa islaamay boqorkii Boqortooyada Karakhanid ee fadhigeedu ahaa magaalada Kashgar waxaana la islaamay inta badan dadkii ku hoos noolaa.


Turkistanta Bari waxaa dega bulshooyin badan oo turki ah sida Kazak, Kyrgyz, Tatar, Uzbek, iyo Tajik-ga. Qoomiyada ugu badan ee degta Bariga Turkistan waa Uyghur-ka. Tirada dadka Uyghur-ka ah ayaa aad la isugu khilaafsanyahay, qiyaasta ugu macquulsan waa 25 Malyan. Turkistanta Bari waxay dhacdaa bartamaha qaarada Asia. Dhulka asalka ah ee Turkistanta Bari waa 1.8 Malyan kiiloo mitir laba jibaaran.



Mandiqadaan waxaa dagaal sideed sanno qaatay ku qabsan Boqortooyadii Shiinaha ee Maanjuu 1877-kii iyagoo ula baxay ' Xinjiang ' oo macneheedu yahay dhulka cusub. 1911 kolkii kacaankii wadaniyiinta shiinahu ay talada ka tuuray boqortooyadii Maanjuu, Turkistanta Bari waxay gacanta u gashay dagaal oogayaal Uyghur ah.

Muslimiinta Turkistanta Bari ayaa iska caabiyay duulaamo dhowr oo ah kaga yimid Shiinaha, 1933 waxaa lagu dhawaaqay Jamhuriyada Islaamiga ah ee Turkistanta Bari. isla sanadkaas ayuu Shiinuhu dib u qabsaday Bariga Turkistan isagoo dillay 200,000 oo ruux.

Qoomiyadaha Muslimiinta ah oo isbahaysanaya ayaa 1944 dib isaga xoreeyay shiinaha. Bariga Turkistan waxaa markale looga dhawaaqay dowlad cilmaani ah oo uu gadaal ka taagnaa Soviet-ka. 11 qof oo ay ku jireen madaxdii ugu sareysay nidaamka ayaa shil diyaaradeed ku dhintay xili ay ku socdeen shir uu soo qaban qaabiyay Soviet-ka oo ka dhici lahaa Shiinaha kaasi oo Turkistanta Bari la damacsanaa in lagu hoos geeyo Shiinaha.

Dowlada Shuuciyada Shiinaha oo garab ka heleysa Midowga Soviet ayaa xoog ku qabsatay Turkistanta Bari 1949-kii. 1955-kii ayuu shiinuhu Bariga Turkistan u aqoonsaday ismaamul isagoo ugu yeeray ' Xinjiang Uyghur Autonomous Region.' Hayeeshee Shiinuhu ma uusan siin wax xuquuq ah. Badalkeeda Turkistanta Bari waxaa lagu deegaameeyay qoomiyada Han-ka ah kuwaas oo awooda iyo talada intaba gacanta loo galiyay.

Turkistanta Bari oo laga helo Gaaska dabiiciga ah, shidaal iyo macaadin dhif ah ayuu durbadiiba Shiinuhu bilaabay inuu ka faa'iideysto. Shiinaha ayaa sidoo kale Turkistanta Bari ku sameeya tijaaboyinka Nuclear-ka. Inta badan shaqooyinka waxaa la siiyaa dadka Shiinayska ah ee la deegaameeyay.

Gumaysiga Shiinaha ayaa marba marka ka dambaysa sii xumaanayay , 15 - 20 sanno ba mar ayuu xasuuq ka geysan jiray Curumqi iyo Kashgar. Dowlada shiinaha ayaa ku dadaashay inay ka taqalusto dadka wax tar kale ee ku jira bulshada sida culimada, ganacsatada iyo dadka caanka ah ee reer Uyghur.

Markii ay dhaceen weeraradii 9/11 ayuu Shiinuhu waji cusub oo islaam nacayb ah ula soo baxay Muslimiinta. Sannadii 2009-kii xasuuq abuubulan oo uu Shiinuhu ka geystay magaalada Curumqi waxaa ku naf waayay boqolaal qof oo Uyghur ah tira intaasi ka badana waa lagu dhaawacay. 2013-kii isku dhacyo dhex maray qoomiyada Han-ka ee la deegaameeyay iyo Uyghur-ka, waxaa maxkamadaha Shiinaha lasoo taagay dhalinyaro Muslimiin ah oo lagu eedeeyay argagixisanimo kuwaas oo dil lagu xukamay.


2016-kii Dowlada Shiinaha ayaa ugu horeyn xariirka caalamka ka goysay bariga Turkistan. Shaqsiyaadka Uyghur-ah ee wadanka dibadiisa u safray ayaa lagu wargaliyay in ay Baasaboradooda geeyaan saldhigyada Police ka kadib waxaa loo sheegay in lagu xareynayo goobo lagu barto sharciga. xubnihii u safray wadamada gaalada ayaa 6 billood kadib lasoo daayay halka kuwii u safray wadamada Muslimiinta la sii hayay.


Shiinaha ayaa dhisay xabsiyo waa weyn oo qaada Malaayiin maxaabiis ah. Police - ka ayaa raafay ilaa sadex milyan oo qof. Dad kasoo baxay xabsiyada ayaa soo tabiyay sheekoyin muruga badan oo ay kamid yihiin rag xabsiyada lagu dhex kufsaday. Sidoo kale dumar gabdho ay ku jiraan ayaa xabsiyada lagu dhex kufsaday kadibna iyagoo uur leh dib loogu celiyay deegaanadoodi.


Waxaa meel walba lagu rakibtay Kaamiradaha waxduuba iyo kuwo casir ah oo wajiyada aqoonsada. Dadka Uyghur ka ah ayaa si qasab ah loga qaaday DNA iyo indhaha ah kadibna waxaa lagu qasbay iney qaatan kaarar aqoonsi. 200 talaabo ee kasta waxaa la dhigay kontroolo dadka lagu baaro. sidaoo kale dadka ayaa lagu qasbaa in ay Taleefanada ku shubtaan software soo gudbinaya macluumadka Mobiladooda ku jira.

Raga Shiineyska ah ayaa bilaabay inay boobaan dumarka Muslimaadka ah. Reerkasta waxaa guriga kula nool yahay sarkaal shiineys ah. Qoysaska waxaa booqasho ugu yimaaadan dad shiineys ah oo ay ku qasbanyihiin inay soo dhaweeyaan. Caruurta ayaa sidoo kale lagu xareeyaa goobo maskaxdooda looga tirtirayo dhaqankooda, afkooda iyo diinkooda. dhanka kale dumarka Uyghur-ka ayaa lasiiyaa dawooyin aan wanaagsanayn kolkii ay dhaqtar u tagaan. Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa Bariga Turkistan oo dhan ku sifeeyay xabsi kor kafeydan.

Dowladda shiinuhu waxay islaamka u tixgalisaa nuuc waalida kamid ah sidaas darteed maxaabiista waxaa lagu qasbaa inay ku gaalooban Allah. jadwalka xabsiyada ayaa la lagu bilaabo qaadista heeso 1000 sanno loogu rajaynayo madaxwaynaha shiinaha, waxaana lagu afmeera cunista hilibka doonfaarka. Dadka Muslimiinta ah ee an xabsiyada ku jirin ayaa iyagana lagu qasbaa inay xaadiraan munaasabadaha calanka lagu saarayo iyo xaflado tumasho oo ay dowladu soo qaban qaabisay.

Waxaa la burburiyay inta badan masaajidii Muslimiinta. Salaada, soonka, xijaabka, garka iyo dhamaan shacaa'irta iyo caadooyinka islaamiga ah ayaa danbi ka ah Bariga Turkistan. Haysashada Musxafka qur'aanka ah waa denbi adag oo qofkii lagu helo cinqaab adag la marsiiyo.

Waxaa mamnuuc ah Nikaaxa xalaasha ah, hilibka xalaasha ah iyo duugta. Dhihista waxaan waa xaraan ama waa xalaal, diidista ka qeyb galka munaasabadaha lagu saarayo calanka, dhihista Assalamu Calykum, Bismillah, Alxamdulilah, Masha Allah, Subxanallah iyo weedhaha lamid ka ah ayaa kamid ah waxyaabaha xabsiga lagu muteysto.

Dowladda shiinaha ayaa ku celcelisa in xabsiyada waaweyn ay yihiin goobo tababaro xirfadeed lagu qaato. Arintaan waxaa beeniyay dad Allah uu kasoo saaray xabsiyada. waxaa xusid mudan in dadka xiran ay kamid yihiin dad haysta shahaadada PhD.

Qaxootiga ugu badan ee Uyghur-ka ah waxaa qaabilay Turkiga. Dowlada shiinaha ayaa jawaasiis soo daba dhigta uguna goodiya hadii ay hadlaan inay dilayaan qof qaraabadooda ah. Ku dhawaad qof kasta oo Uyghur ah waxaa xiran qof qaraabadiisa ah.

Waxaa xusid mudan in Turkistanta Bari ay xuduud la leedahay 5 wadan oo Muslimiin ah oo ay kamid yihiin Bakistan iyo Afghanistan. Inta badan dowladaha caalamka islaamka ayaa xariir dhow laleh shiinaha. Nidaamka xumaanta ku caan baxay ee Masar ayaa dowlada shiinaha u dhiibay arday Uygur ah oo wax ka baranaysay jaamacadaha Masar. Bakistan iyo Malasia ayaa la sheegaa inay falkaas oo kale ku keceen.


Dowlada Bakistan oo xuduud wadaag la ah Muslimiinta Turkistanta Bari ayaa Shiinaha u tixgalisa walaal. Sannadihii u danbeeyay ayuu xoogaystay xariirka ganacsi ee labada wadan. Sidoo kale Turkiga oo ah dalka ay ku noolyihiin qaxootiga ugu badan ee Uyghur ka ah ayaa dhawaanahaan billowday hagaajinta xariirka kala dhexeeya Shiinaha. Ganacsatada Soomaalida ayaa dhankooda aad ugu tiirsan Shiinaha.

Guud ahaan dalalka 'caalamka islaamka' ayaa xariir ganacsi la leh shiinaha. Intii aan ku jiray raadinta macluumaadkaan waxaan la anfariiray inaanan helin hal dowlada oo kuwa 'Islaamka ah ' oo ka hadashay isir sifeynta iyo islaam nacaybka uu shiinuhu kula kacay Muslimiinta Turkistanta Bari. Layaabkeygi e inta badan Muslimiintu kama war hayaan gabbood falladaan.Iyadoo Bishan Ramadan ee barakaysan loo diiday soomka walaaleheena Turkistanta Bari, Ganacsatada Soomaalidu waxay adeega Ciida oo Malaayin dollar ku qiimaysan ka dalbanayaan Shiinaha.

Diyaasbarada Uyghur-ka ayaa juhdi adag ku bixinaysa sidii qadiyada Bariga Turkistan ay uga dhigi lahayeen mid lamid ah qadiyada Filistiin, banaan baxyo xoogan ayaa lagu qabtay qaar kamid ah wadamada caalamka. Dhalinyaro Muslimiin ah oo kasoo kala jeeda caalamkoo idil ayaa ka qeyb qaadanaya olloleyaal baraha bulshada ah.. Shaqsiyaad caan ah iyo ururo Muslimiin ah ayaa soo qaban qaabiyay barnaamijyo looga hadlayo dhibaatada haysata walaaleheena Turkistanta Bari.

Dowlada shiinaha oo ah wadanka labaad ee caalamka ugu dhaqaalaha xoogan ayaa mugdi galisay mustaqbalka Malaayinta Muslimiin ah ah iyadoo baabi'inaysa dhaqankooda, luuqadooda iyo diintooda. Sida kaliya ee Turkistanta Bari lagu xoreyn karo waa Jihaad ay Muslimiintoo dhan ka qayb qaataan .

Hogaamiyeyaasha qoomiyada Uyghur ayaa dhankooda adkeeyay in ay naftooda, iyo maalkooda ku bixinayaan si ay dhulkooda u xoreeyaan. Xisbiga Islaamiga ah ee Turkistanta Bari ayaa isu diyaarinaya jihaad ay isaga dulqaadayaan gumeysiga.

Culimada ducaada ah, dadka wax qora iyo dhamaan dadka codka ku dhex leh bulshada waxaa looga baahanyahay inay doorkooda ka qaatan weyneynta qadiyada Turkistanta Bari si ay bulshada Muslim ka ah tusaan sida uu Shiinaha diinlaawaha ah u gumaadayo walaalohooda Muslimiinta ah isagoo boobay kheyraadkooda una diiday xaquuqda aas aasiga ah iyagoo Allah uga Ajar xisaabsanaya.

Ugu danbayn, dalkeenaan Soomaaliya waxaa uu dhacdooyinka qaar ka shaabahaa Turkistanta Bari. Waxaan wada ognahay in dowlada Ethiopia ay dhisanayso ciidama badeed iyadoo aan bad lahayn. Waxaan qof walbaa oo uu ku jirro damiir Soomaalinimo usoo jeedinayaa inuu daraaseeyo taariikhda Turkistanta Bari kuna baraarugo halista kasoo socota Gacanka Soomaalida.

W/Q Hilaal Colaad

Hilaal kala xiriir Facebook
ama kala xiriir Twitter 

 

Related Items