Dowladda Iran oo soo ridday diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay iyo Washington oo Xaqiijisay,

Thursday June 20, 2019 - 09:41:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Iran oo soo ridday diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay iyo Washington oo Xaqiijisay,

    Afhayeen u hadlay taliska ciidanka kacaanka Iiraan ayaa sheegay in ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca wax basaasta ah oo uu leeyahay Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeen u hadlay taliska ciidanka kacaanka Iiraan ayaa sheegay in ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca wax basaasta ah oo uu leeyahay Mareykanka.


Diyaaradda ayaa lasoo riday xilli ay falal basaasnimo ka wadday koonfurta wadanka Iiraan sida ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda shiicada Iiraan.

Warbixinta kasoo baxday xukuumadda Tahran ayaa lagu yiri "ciidanka ilaalada Kacaanka jamhuuriyadda Iiraan ayaa dhulka soo dhigay diyaarad basaas oo Mareykanku leeyahay xilli ay ku dul haadaysay mandiqadda Kooh Mubaarak ee Koonfurta wadanka".

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in mid kamida diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn lasoo riday aroornimadii khamiista, mas'uul uhadlay wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradda lala helay Saaruukh Iiraani ah xilli ay dul haadaysay biyaha caalamiga ah gaar ahaan marin biyoodka Hormuz.


Dowladda Mareykanka ayaa iiraan ku eedaysay in ay daan daansi ku heyso ciidamadiisa ku sugan mandiqadda loo yaqaan bariga dhexe wuxuuna Mareykanku beeniyay in uu xadgudub ku sameeyay hawada Iiraan.

Related Items