Dhageyso: Maamulka 'Puntland' oo sheegay in Fiiso lagu geli doono deegaannada uu ka taliyo.

Thursday June 20, 2019 - 18:36:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Maamulka 'Puntland' oo sheegay in Fiiso lagu geli doono deegaannada uu ka taliyo.

    War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka isku magacaabay Puntland ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee booqanaya deegannada dhaca gobollada waqooti Bari lagusoo rogay Fiiso ama dal kugal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay maamulka isku magacaabay Puntland ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee booqanaya deegannada dhaca gobollada waqooti Bari lagusoo rogay Fiiso ama dal kugal.

Tallaabadan oo ah mid qeyb ka ah ajandayaasha uu shisheeyuhu usoo dhiibay maamullada dabadhilifyada ah ayuu maamulkan dabadhilifka ah ku doonayaa in uu ku kala irdheeyo Soomaalida.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ah wasiir ku xigeenka ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Puntland dhawaan ay hirgelin doono Nidaamka Fiisaha, wuxuu carrabaabay in qof walba oo safar ku aadaya magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso iyo Garoowe laga doonayo in uu qaato Fiiso.

Maamulka Puntland oo kaliya ma ahan ee dhammaan maamul goboleedyada ka hoos shaqeeya dowladda Federaalka ayaa bulshada ku dhax faafinaya qabyaalada iyo falal cunsuriyadeed oo lagu dhantaalayo midnimada shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya gumeysi dhan walba ah.


Xasan Axmed Xaaji oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada ay maamul goboleedyada Itoobiya taabacsan kusoo kordhiyeen dalka.
isagoo wareysi siinayay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan ayuu si qota dheer uga hadlaya falalka cunsuriyadeed ee maamulladan ay ku tallabsanayaan wuxuuna farta ku goday in ay fulinayaan ajandayaasha gumeystaha.

Halkan ka degso wareysiga aqoonyahanka ama hoos ka dhageyso.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items