Trump oo si lama filaan ah ujoojiyay Weerar ay ciidamada Mareykanka ku qaadi rabeen dalka Iiraan.

Friday June 21, 2019 - 10:46:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo si lama filaan ah ujoojiyay Weerar ay ciidamada Mareykanka ku qaadi rabeen dalka Iiraan.

    Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah ujoojiyay weerar xooggan oo ciidamadiisa cirka ay ku qaadi lahaayeen dalka Iiraan saacado kadib markii diyaarad lagasoo riday Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah ujoojiyay weerar xooggan oo ciidamadiisa cirka ay ku qaadi lahaayeen dalka Iiraan saacado kadib markii diyaarad lagasoo riday Mareykanka.


Donald Trump oo aqalka cad kulan xasaasi ah kula qaatay lataliyaashiisa ammaanka iyo mas'uuliyiinta wasaaradda difaaca ayaa go'aamiyay in Jawaab celin adag laga bixiyo diyaaraddii Drone-ka aheyd ee Iiraan shalay kasoo ridday Mareykanka balse daqiiqadihii ugu dambeeyay ayu Trump baajiyay weerarka.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in si lama filaan ah uu Trump u joojiyay weerarka lagu qaadi lahaa Iiraan wuxuuna qorshuhu ahaa in ciidanka cirka Mareykanka ay burburiyaan nidaamka sawaariikhda Iiraan iyo Raadaarada casriga ah ee lagula socdo dhaq dhaqaaqyada diyaaradaha.


Waa markii 2aad oo Trump uu wasaaradda difaaca ka hor istaago in weerar lagu qaado dowladda shiicada Iiraan oo ah midda ugu awoodda badan mandiqadda loo yaqaan bariga dhexe marka laga reebo maamulka Yahuudda oo larumeysanyahay in uu heysto hubka wax gumaada ee Niyugleerka.

Mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer sheegay in aysan diyaar u aheyn dagaal ay lagalaan Iiraan balse marmarka qaar ayay ku hanjabaan in ay tallaab ka qaadi doonaan xukuumadda Tahraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items