Gaashaanlle Max'med Xuseen dhaqane Oo Muqdisho lagu dilay iyo Weerar ka dhacay Baraawe.

Saturday June 22, 2019 - 10:06:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Gaashaanlle Max'med Xuseen dhaqane Oo Muqdisho lagu dilay iyo Weerar ka dhacay Baraawe.

    Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakaa Al Shabaab ayaa markale sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakaa Al Shabaab ayaa markale sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo degmada Hodon ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay toogasho ku dileen Gaashaanlle dhexe Max'med Xuseen dhaqane oo kamid ahaa saraakiisha dowladda.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyaddan weerarkan lagu dilay sarkaalka, dhinaca kale weerar xooggan ayuu lagu kalmay garoonka macmalka degmada Baraawe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay madaafiic ku garaaceen garoon macmal ah oo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ka hirgeliyeen Baraawe, markii madaafiicdu ay bilaabatay kadib ayay goobta isaga carareen shaqaale caddaan iyo Afrikaan ah oo howllo dhisma ah ka waday garoonka Baraawe.


Liibaan  Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items