Iska hor'imaad Khasaara dhaliyay oo Gaalkacyo ka dhacay iyo Xiisado kajira Dhuusamareeb.

Saturday June 22, 2019 - 19:00:21 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaad Khasaara dhaliyay oo Gaalkacyo ka dhacay iyo Xiisado kajira Dhuusamareeb.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas iska hor'imaad xooggan uu ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan maamulka isku magacaabay Galmudug.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay dagaallamayaan maleeshiyaadka PS-ta loo yaqaan iyo ciidamo si gaar ah u taabacsan maamulka Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ugu yaraan 2 kamid ah dhinacyadii dagaallamay ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen balse waxaa jira dhaawacyo soo gaareen shacab rayid ah oo ku dhaqan Koonfurta Gaalkacyo.


Maleeshiyaad farabadan oo ah kuwa Mareykanku tababaray ayaa shalay lagusoo daadiyay Gaalkacyo kuwaas oo ilaalinaya xildhibaanno iyo wasiirro katisan DF-ka oo gaaray Koonfurta Gaalkacyo.

Dhinaca kale xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa wadada xiriirisa degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, xiisadahan ayaa udhaxeeya ciidamada maamulka 'Galmudug' iyo maleeshiyaad daacad u ah kooxaha mushrikiinta ee xiriirka laleh Itoobiya.

Nin lagu magacaabo Axmed Shaakir oo ku magacaaban madaxa xukuumadda 'Galmudug' ayaa ciidamo duldhigay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo si weyn umucaaradsan siyaasadda Farmaajo.

Socdaal uu Galguduud ku marayo wasiirka arrimaha gudaha DF-ka ayaa khilaaf soo kala dhaxgeliyay kooxaha mushrikiinta Ahlusuna lamagac baxay iyo Galmudug garabka xaaf.

Ciidamo wato gaadiidka dagaalka oo ka amba baxay degmada Cadaado ayaa ku sugan duleedka Dhuusamareeb ciidamadaas oo si gaar ah utaageersan Xaaf.

Related Items