Al Shabaab oo 13 Askari ku dishay Weeraro ka dhacay Duleedka Buurhakaba.

Saturday June 22, 2019 - 20:47:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo 13 Askari ku dishay Weeraro ka dhacay Duleedka Buurhakaba.

    Fahaah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus iyo qarax maanta gobolka Baay lagula beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fahaah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus iyo qarax maanta gobolka Baay lagula beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ayaa sheegaya in qarax xooggan maanta duhurkii lagula eegtay kolonyo ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Koonfur galbeed waxaana ku dhintay 10 askari halka ay ku dhaawacmeen 7 kale sida ay sheegayaan ilo wareeyo deegaanka laga helay.

Sarkaal lagu magacaabo Axmed Dheere oo ahaa taliyaha ciidamada deegaanka Daynuunaay ayaa ka mid ahaa askartii ku dhintay qaraxii maanta, wararka ayaa intaas ku daraya in laba askari oo kaliya ay ka badbaadeen ciidamadii saarnaa gaariga qaraxu beegsaday.


Qaraxa halaagga ugeystay ciidamada Koonfur galbeed ayaa ka dhacay deegaanka Mooda Mooday xilli si wadajir ah ay halkaas ugu safrayeen ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah balse qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay gaarigii ay la socdeen ciidamada maamulka Cabdi Casiis Laftagareen.

Dhinaca kale weerar dhabbagal ah oo ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ayaa dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah, war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in weerarka jidgalka ah ay ku dishay sedax askari islamarkaana ay ku ghaniimeysatay sedax qori oo ay wateen askarta ladilay.

Isku geyn khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkii maanta ayaa gaaraysa 13 askari iyo burbur gaaray gaari Tikinika ah, khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay deegaanka Daynuunaay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items