Madaxweynaha Dowlad deegaanka Amxaarada Itoobiya oo inqilaab Melleteri ka badbaaday.

Saturday June 22, 2019 - 20:45:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dowlad deegaanka Amxaarada Itoobiya oo inqilaab Melleteri ka badbaaday.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen mid kamdia gbollada ugu waaweyn wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ambachew Mekonnen oo isbaheysi la ah Abiy Axmed ayaa inqilaab ka badbaaday
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen mid kamdia gbollada ugu waaweyn wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.


Boqolaal askari oo aad u hubeysan ayaa weerar hubeysan ku qaaday xarunta dowlad goboleedka Amxaarada halkaas oo uu ka dhacay iska hor'imaad saacado qaatay, warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in uu fashilmay isku day inqilaab uu ka badbaaday madaxweynaha dowlada goboleedka Amhara.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas xooggan iyo madaafiic xooggan laga maqlay magaalada Bahirdar oo ah caasimadda dowlad deegaanka Amhara, Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in uu fashilmay afgembi ka dhan ahaa Ambachew Mekonnen oo ah madaxweynaha gobolka Amhara.


Ninkan badbaaday ee madaxweynaha ka ahaa gobolka Amxaarada ayaa xaliif siyaasadeed la ah Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo qowmiyadaha Tigreega iyo Amxaarada, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda magaalada Bahirdar ay kacsantahay waxaana xiran dhammaan xarumaha dowladda ciidamo katirsan Federaalka Itoobiya ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items