Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo ladhaawacay iyo Abiy Axmed oo Dareeska Ciidanka xirtay kadib isku daygii inqilaabka [Warbixin].

Sunday June 23, 2019 - 06:38:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo ladhaawacay iyo Abiy Axmed oo Dareeska Ciidanka xirtay kadib isku daygii inqilaabka [Warbixin].

    Xaalad hubanti la'aan ah ayaa ka jirta wadanka Itoobiya saacado kadib markii uu ka dhacay isku day Inqilaab oo lagu doonayay in lagu xididda siibo mid kamida dowlad goboleedyada wadanka ugu awoodda badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad hubanti la'aan ah ayaa ka jirta wadanka Itoobiya saacado kadib markii uu ka dhacay isku day Inqilaab oo lagu doonayay in lagu xididda siibo mid kamida dowlad goboleedyada wadanka ugu awoodda badan.

R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xiran dareeska ciidanka Melleteriga ayaa kalimad kooban oo uu ka jeediyay telefeshinka qaranka ku sheegay in uu fashilmay Inqilaab Melleteri.

Madaxa xukuumadda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in rasaas ka dhacday magaalada Addis Ababa lagu dhaawacay Jeneraal Mykonin Syari oo ahaa taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu carabaabay in saraakiil katirsan ciidamada Melleteriga iyo kuwa booliska lagu dilay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Gobolka Amhara balse wuxuu ku goodiyay in ay xakameyn doonaan xaaladda wadanka ee faraha kasii baxaysa.


Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa sheegtay in dagaal qaatay muddo Afar Saacadood xiriir ah uu shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Bahardar oo caasimad u ah gobolka Amhara.

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya wuxuu sheegay in uu fashilmay isku day inqilaab melleteri ah oo lagu doonayay in lagu dilo madaxweynaha gobolka Amhara kadibna talada lagula wareego balse majirto cid si rasmi ah loogu eedeeyay isku dayga inqilaab.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in dowladda Itoobiya ay dhammaan gobollada wadanka ka jartay Internetka si ay uxakameyso xaaladda ammaan darro ee soo korortay.

     Afgembi qorshaysan.

Diblumaasiyiin iyo wariyaal reergalbeed ah oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in kooxaha isku dayga Inqilaabka soo abaabulay ay ahaayeen kuwa isku xiran oo doonayay in isbedel dhanka maamulka ah ay wadanka ka sameeyaan.

Weerarka ugu horreeyay ee ka dhacay magaalada Bahardar ayuu ujeedkiisu ahaa in lagu dilo madaxweynaha gobolka Amhara iyo ku xigeenkiisa saacad kadibna waxay weerareen Taliyaha ugu sarreeya ciidanka Itoobiya xili uu ku sugnaa Addis Ababa waxay isku dayeen in ay jiha wareer ku abuuraan taliska ciidamada si ay umeel mariyaan ujeedkooda.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed uu noqday R/wasaaraha wadanka ayuu lakulmayay weeraro abaabulan oo ay soo maleegeen Jeneraaladii hoggaaminayay sirdoonka Itoobiya 25-kii sanadood ee uu jiray nidaamkii Males Zenaawi, xiriirka udhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada,Oromada iyo Tigreega ayaa aad u xumaaday tan iyo markii uu iscasilay R/wasaarihii hore.

Related Items