Xaaf iyo Ciidamo uu wato oo isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb.

Sunday June 23, 2019 - 17:49:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf iyo Ciidamo uu wato oo isaga baxay Magaalada Dhuusamareeb.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galgduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Galmudug laga eryay magaalada Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galgduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Galmudug laga eryay magaalada Dhuusamareeb.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno katirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta duhurkii isaga baxay Dhuusamareeb oo xarun u aheyd maamulka Galmudug, Xaaf oo ay gelbinayeen ciidamo farabadan ayaa ubaqoolay dhanka degmada Cadaado oo uu ugasii gudbi doono Gaalkacyo.

Ka guuridda Xaaf ee magaalada Dhuusamareeb ayaa timid kadib markii Axmed Shaakir oo ahaa madaxa xukuumadda Galmudug uu iclaamiyay in uu taageersanyahay dowladda Federaalka wuxuuna soo dhoweyn usameeyay wasiirka arrimaha gudaha.


Maamulka fadhiidka ah ee Galmudug ayaa sanadadii lasoo dhaafay wajahayay faragelin dhan walba ah oo uga imaanaysay xukuumadda Kheyre iyo Farmaajo waxaana muuqata in maamulkan uu burbur qarka usaaranyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items