Shil Khasaara nafeed dhaliyay oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sunday June 23, 2019 - 14:49:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Khasaara nafeed dhaliyay oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil baabuur oo maanta ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil baabuur oo maanta ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.



Ugu yaraan sedax qof ayaa dhimatay kadib markii gaari nuuca xamuulka qaada ah uu ku dhacay Booto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah.

Shilkan naxdinta leh ayaa ka dhacay xaafadda Ceeltuba weyne ee degmada Yaaqshiid, gaari carra gedis ah ayaa ku dhacay Mooto Bajaaj ay la socdeen Oday waayeel ah iyo wiilkiisa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in shilka ay ku dhinteen darawalkii Mootada iyo laba qof oo rakaab ahaa, dadka dhintay ayaa kasoo rawaxay munaasabad caruus ah.



Darawalka gaariga dhibka geystay ayaa isku dayay in uu goobta ka baxsado balse ciidamo ku sugnaa xaafadda Ceeltuba weyne ayaa gacanta kusoo dhigay waxaana lagu xiray saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid.

Shilalka laayaanka ah ayaa sanadadii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan isku dhaca Mooto Bajaajta iyo gaadiidka xamuulka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items