Dowladda Farmaajo Oo tacsi udirtay Ehellada Mas'uuliyiintii Itoobiyaanka ee lagu dilay Gobolka Amhara.

Monday June 24, 2019 - 10:21:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Farmaajo Oo tacsi udirtay Ehellada Mas'uuliyiintii Itoobiyaanka ee lagu dilay Gobolka Amhara.

    Maamulka dabadhilifka ah ee kajira madaxtooyada magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saaray isku daygii Inqilaab ee maalin ka hor ka dhacay gobolka Amxaarada Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka dabadhilifka ah ee kajira madaxtooyada magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saaray isku daygii Inqilaab ee maalin ka hor ka dhacay gobolka Amxaarada Itoobiya.


Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay ka xuntahay dilka madaxweynihii gobolka Amxaarada iyo saraakiishii kale ee Itoobiyaanka ahaa.

Dowladda Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh udirtay ehelladii ay ka baxeen dadkii Itoobiyaanka ahaa ee lagu dilay dagaalkii ka dhacay magaalada Bahirdar.

Waxaa xusid mudan in dowladda Federaalka aysan waligeed qoraal Tacsi ah udirin ehellada shacabka Soomaaliyeed ee diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ku xasuuqayaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.


Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira ay faracyo u yihiin dowladda Xabashida Itoobiya oo ah midda sida tooska ah awaamirta usiisa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items