Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay dishay Sarkaalkii hoggaaminayay Inqilaabkii Fashilmay

Monday June 24, 2019 - 17:28:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay dishay Sarkaalkii hoggaaminayay Inqilaabkii Fashilmay

    Dagaallo culus ayaa dib ugasoo cusboonaaday wadanka Itoobiya maalin kadib markii uu dhacay isku daygii Inqilaab ee ladoonayay in talada looga tuuro maamulka gobolka Amhara.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa dib ugasoo cusboonaaday wadanka Itoobiya maalin kadib markii uu dhacay isku daygii Inqilaab ee ladoonayay in talada looga tuuro maamulka gobolka Amhara.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ka hor'imaadyo xooggan ay dhaxmareen ciidamada Federaalka Xabashida iyo ciidamo daacad u ahaa saraakiishii hoggaaminaysay Inqilaabkii Melleteri.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in dagaallada lagu dilay Jeneraal Asaminew Tsige oo ahaa taliyihii ciidamada gobolka Amhara islamarkaana hoggaaminayay isku daygii Inqilaab.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in Jeneraalka lagu dilay iska hor'imaad ka dhacay tuulada Zanzana oo u dhaxaysa magaalooyinka Gonder iyo Bahirdar.


Dhinaca kale waxaa dhaawac ugeeriyooday xeer ilaaliyihii guud ee ismaamulka Amhara kaasi oo kamid ahaa mas'uuliyiintii lagu toogtay xarunta maamulka Bahirdar.

Guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya ayaa Telefeshinka Afka dowladda ku hadasha ka sheegay in uu dhintay Jeneraal Megbaro Kebede oo ahaa dacwad soo oogaha guud ee gobolka Amhara.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gudaha wadanka Itoobiya ay ka socdaan iska hor'imaadyo balse ay adagtahay in xog dheeraad ah laga helo sababa laxiriira xukuumadda Abiy Axmed oo jartay isgaarsiinta Taleefanada iyo Khadka Internetka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items