Warbixin: Al Shabaab oo Weeraro lagu dilay ciidamo katirsan dowladda ka Fuliyay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Monday June 24, 2019 - 20:45:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Al Shabaab oo Weeraro lagu dilay ciidamo katirsan dowladda ka Fuliyay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro toos ah iyo qaraxyo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro toos ah iyo qaraxyo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya duleedyada magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar toos ah lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Buula Gaduud.

Qaraxyo is xig xigay weeraro dhabagal ah oo maleeshiyaadku ay kala kulmeen xoogaga Al Shabaab ayaa sababay dhimashada ugu yaraan sedax askari iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah ciidamada.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada oo wata meydadka sedax askari ay dib ugu laabteen magaalada halka isbitaalka guud ee Kismaayo ladhigay ciidamo dhaawacyo qaba.


Weerar kale oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ayaa lala beegsaday Maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay weerar gaadma ah oo xoogaga Al Shabaab ay u dhigeen maleeshiyaadka xilli ay dhaq dhaqaaq wadeen.

          Weeraro ka dhacay Sh/Hoose.

Dhinaca kale iska hor'imaadyo xooggan ayaa maanta siyaaba kala duwan uga dhacay deegaanno dhowr ah oo katirsan gobolka Sh/Hoose, qarax ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Lambar60 iyo Lambar50 ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka bangaraafta waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Sidoo kale xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro toos ah ku qaaday ciidamo ku sugnaa deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo weeraradan saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Sh/Hoose.

Related Items