Guddoomiye Waaxeed lagu dhaawacay degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdisho.

Tuesday June 25, 2019 - 11:09:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Waaxeed lagu dhaawacay degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdisho.

    Mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar hubeysan oo lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar hubeysan oo lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa xalay toogtay Cabdullaahi Cali Nuur oo kamid ah guddoomiye waaxeedyada degmada Dharkeynleey waxaana la sheegay in dhaawac culus uu gaaray.

Xoogag katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa guddoomiye waaxeedkan ku weeraray gudaha degmada, ilo wareedyo ayaa sheegaya in mas'uulka loola cararay mid kamida Isbitaallada Muqdisho islamarkaana xaaladiisa caafimaad laga dayrinayo.

Weerarada lagu ugaarsanayo askarta iyo saraakiisha katirsan dowladda Federaalka ayaa si xowlli ah uga socda degmooyinka gobolka Banaadir waxaana guul darraystay isku dayo ay xukuumadda Kheyre ku doonaysay in ay ku sugto ammaanka caasimadda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items