Afar katirsan Ciidamada Puntland oo ku dhintay Qarax ka dhacay deegaanka Af Urur.

Tuesday June 25, 2019 - 17:25:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar katirsan Ciidamada Puntland oo ku dhintay Qarax ka dhacay deegaanka Af Urur.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore saldhigga ciidanka Puntland ee Af Urur oo gubanaya
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo ciidamo katirsan maamulka 'Puntland' lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya deegaanka Af Urur ee dhaca duleedka magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar Askari ay dhinteen sedax kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii qarax miino uu ka dhacay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka 'Puntland'.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday dhanka magaalada Boosaaso waxaana ladhigay isbitaalka weyn ee magaaladaasi, dhaawacyada qaar ayaa xaaladooda caafimaad laga deyrinayaa waxaana suurtagal ah in ay udhintaan dhaawacyada kasoo gaaray qaraxa.


Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Andalus balse wax wali wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka Puntland oo ku aaddan qaraxii maanta.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items