Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan iyo qarax ka dhacay Galbeedka Hiiraan.

Wednesday June 26, 2019 - 09:03:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan iyo qarax ka dhacay Galbeedka Hiiraan.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale guluf dagaaleed xooggan ku qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku joog gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale guluf dagaaleed xooggan ku qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku joog gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogag hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Amxaarada waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo muddo saacada ah qaatay.

Markii dagaalku soo gaba gaboobay kadib ayay ciidamada Itoobiya madaafiicda goobta ku garaaceen dhulka Howdka ah ee ku hareeraysan deegaanka Halgan, waa markii 2aad oo laba isbuuc gudahood weerar lagu qaado saldhigyada ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan.


Dhinaca kale qarax ayaa lagu weeraray ciidamo katirsan maamulka Hirshabelle xilli ay ku sugnaayeen galbeedka magaalada Beld Weyne, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items