Diyaarad Drone ah oo gaari Shacab ku duqeysay gobolka Sh/Hoose.

Wednesday June 26, 2019 - 12:07:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Drone ah oo gaari Shacab ku duqeysay gobolka Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn bahalnimo oo mid kamida diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ay ka geysatay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn bahalnimo oo mid kamida diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ay ka geysatay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Shalay gelinkii dambe ayay diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay waxay dhowr gantaal ku beegsatay gaari uu la socday ganacsade caan ka ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.

Duqeynta oo ka dhacday inta udhaxaysa deegaannada Kuunya Barroow iyo Araboow ayaa sababtay dhimashada ganacsade Aboow Cali Waardiyoow oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah Kuunya Barroow.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntu ay burburisay gaarigii uu la socday Aboow Cali Waardiyoow, Meydka qofka shacabka ah ayaa lageeyay deegaanka Kuunya Barroow.


Goobta duqeyntu ka dhacday ayaa qiyaastii 18 Kiilow jitir ujirta degmada Kuunya Barroow waxaana la sheegay in gaariga laduqeeyay uu ka yimid deegaanka Araboow kunasii jeeday dhanka Shabeellaha Hoose.

Bilihii lasoo dhaafay ayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka duqeymo wuxuushnimo ah waxay ka geysanayeen deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/Hoose, duqeymihii ugu dambeeyay ee shacabka lagu dilay waxay ka dhaceen duleedyada degmooyinka Afgooye iyo Tooratooroow halkaas oo ay ku dhinteen inkabadan 4 qof oo shacab ah.

Sidoo kale duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunya Barroow ayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku dileen laba qof shacab ah oo uu kamid ahaa canug dhallanaa 20 maalmood.

Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa marwalba duqeymahan ku sheega in uu ku dilay dagaalyahanno katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse xaqiiqda ayaa ah in duqeymahan ay yihiin kuwa lagu gummaadayo shacabka Soomaaliyeed.

Related Items