in kabadan 50 qof oo lagu dilay Weerar ka dhacay Galbeedka Wadanka Itoobiya.

Thursday June 27, 2019 - 09:07:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    in kabadan 50 qof oo lagu dilay Weerar ka dhacay Galbeedka Wadanka Itoobiya.

    Wadanka Itoobiya waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay Inqilaabkii Fashilmay ee dhowaan ka dhacay gobolka Amxaaradu degto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobolka Tigree ayaa looga baroortay taliyihii ciidanka Itoobiya ee ladilay
Wadanka Itoobiya waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay Inqilaabkii Fashilmay ee dhowaan ka dhacay gobolka Amxaaradu degto.


Munaasabad Janaaso ah oo magaalada Bahir Dar loogu sameeyay mas'uuliyiintii gobolka ee lagu dilay dagaalkii cuslaa ee dhacay ayaa lagu sheegay in kooxo calooshood ushaqeystayaal ah ay doonayeen in ay la wareegaan maamulka gobolka.

Dacwad soo oogaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in mas'uuliyiin sarsare lagu dilay weerarka, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof oo isugu jiray mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan ay ku dhinteen isku daygii Inqilaab.


Magaalada Makhalle ee xarunta ismaamulka Tigree waxaa aas loogu sameeyay Jeneraal Seare Mekonnen oo ahaa taliyihii ciidamada qalabka sida ee Itoobiya kaas oo lagu dilay toogasho ka dhacday Addis Ababa.

Dhinaca kale tobanaan qof ayaa ku dhintay iska hor'imaadyo ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ee dhaca galbeedka wadanka Itoobiya.

Madaxa amniga iyo nabad gelyada gobolkan ayaa warbaahinta u sheegay in kooxo xiriir laleh Inqilaabkii gobolka Amxaarada ay weerareen Benishangul-Gumuz ayna dileen 50 qof halka 23 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Ammaanka wadanka Itoobiya ayaa umuuqda in uu faraha kasii baxayo waxaana muuqata in kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan Abiy Axmed ay qaadayaan weeraro ay ku burburinayaan maamul goboleedyada qeybta ka ah nidaamka Federaaliga ah ee Addis Ababa laga maamulo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items