Al Shabaab oo Weeraro askar lagu dilay ka fulisay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Thursday June 27, 2019 - 09:41:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weeraro askar lagu dilay ka fulisay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ay xoogaga Al Shabaab ka fuliyeen deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ay xoogaga Al Shabaab ka fuliyeen deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudaha degmada Afgooye qarax ka dhacay ayaa lagu beegsaday sarkaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka balse si dirqi ah ayuu uga badbaaday qaraxa waxaana ku dhaawacmay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.

Duleedka magaalada Marka weerar hubeysan oo xoogaga Al Shabaab ku qaadeen maleeshiyaad katirsan dowladda ayaa sababay dhimashada 2 askari, dhinaca kale weerar qorshaysan oo xalay ay ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Buula Mareer ee Sh/Hoose waxay ku dileen 2 askari.


Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in weerarka kadib ay ciidamada Al Shabaab mid kamida askarta ladilay ka furteen qori AK47 ah.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Laanta Buur ee duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamo lagu tababaray saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho ay dib ugurasho ka sameeyeen Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items