Ciidanka Mareykanka oo sheegtay Mas'uuliyadda dilka ganacsade Aboow Cali Waardiyoow.

Thursday June 27, 2019 - 10:33:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Mareykanka oo sheegtay Mas'uuliyadda dilka ganacsade Aboow Cali Waardiyoow.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) ayuu ku sheegtay mas'uuliyadda duqeyn diyaaradeed oo maalin ka hor ka dhacday duleedka deegaanka Kuunyo Barroow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) ayuu ku sheegtay mas'uuliyadda duqeyn diyaaradeed oo maalin ka hor ka dhacday duleedka deegaanka Kuunyo Barroow.

Mareykanku waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dileen dagaalyahan katirsan Xarakada Al Shabaab ayna fulinta duqeyntaas qeyb ka tahay dagaalka ka dhanka ah waxa Argagaxisada loogu yeero.

Qoraalka kasoo baxay ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa lasii raaciyay "waqtigan la joogo majirto waxyeello gaartay dad shacab ah!.

Dowladda Mareykanka ayaa ku faanaysa dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee ay ku gummaaday gobolka Shabeellaha Hoose, qofka ku dhintay duqeyntii 26 June 2019 ka dhacday duleedka Kuunya Barroow ayaa ahaa ganacsade Aboow Cali Waardiyoow oo caan ka ahaa Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka.




Meydka ganacsadaha ladilay iyo gaarigii lagu duqeeyay ayaa lasoo bandhigay waxayna ehelladiisu warbaahinta u sheegeen in wiilkooda Mareykanku uu si gardarra ah u dilay.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Mareykanku uu ku faano in dad shacab ah uu ku duqeeyay Soomaaliya isagoo dadkaas ku sheegaya in ay katirsanyihiin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Hoos ka Daawo Sawirrada qaabkii uu Mareykanku udilay ganacssade Aboow ama halka ka dhageyso ehelladiisa oo ka hadlay Guji















Related Items