Ciidamada Xukuumadda Alwifaaq oo Khaliifa Xaftar kala wareegay magaalo ku dhow caasimadda Liibiya.

Thursday June 27, 2019 - 07:53:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xukuumadda Alwifaaq oo Khaliifa Xaftar kala wareegay magaalo ku dhow caasimadda Liibiya.

    Isbedello waaweyn oo dhanka maamulka ah ayaa ka xasilay Koonfurta magaalada Daraabulis ee caasimadda u ah wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedello waaweyn oo dhanka maamulka ah ayaa ka xasilay Koonfurta magaalada Daraabulis ee caasimadda u ah wadanka Liibiya.

Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in ciidamada xukuumadda Alwifaaq ay dib ula wareegeen gacan ku heynta dhowr magaalo oo bishii Shacbaan ee lasoo dhaafay ay qabsadeen maleeshiyaadka dagaal ooge Khaliifa Xaftar.

Ciidamada xukuumadda Alwifaaq ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen taliskii lagasoo agaasimay duullaankii uu Xaftar ku sheegay in uu ku xureynayo caasimadda Liibiya.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ciidamada xukuumadda ay qabsadeen magaalada Gharyaan oo 100 KM dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Daraabulis ee caasimadda Liibiya.


Afhayeen u hadlay xukuumadda Alwifaaq ayaa warbaahinta usheegay in ciidamadoodu ay fashiliyeen isku daygii uu Xaftar ku doonayay in uu ku qabsado caasimadda Liibiya.

Tallaabadan ayaa dhabar jab ku ah dowladaha Imaaraatka Carabta,Sacuudiga iyo Faransiiska oo gadaal ka riixayay ololaha dagaal ee Xaftar uu ku doonayay in uu ku hanto caasimadda Liibiya kadibna uu ku dhawaaqo dowlad lamid ah middii Mucamar Al Qadaafi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items