Dagaal dad badan ay ku dhinteen Oo ciidamo kawada tirsan Dowladda ku dhaxmaray degmada Wanllaweyn.

Thursday June 27, 2019 - 18:42:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal dad badan ay ku dhinteen Oo ciidamo kawada tirsan Dowladda ku dhaxmaray degmada Wanllaweyn.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maleeshiyaad kawada tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maleeshiyaad kawada tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Iska hor'imaadyada oo ka dhacay hareeraha degmada ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaadka hardamaya isku qabteen isbaarooyin gaadiidka dadweynaha lacago looga qaado oo daadsan duleedyada degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen sedax kamid ah dhinacyadii dagaallamay waxaa kale oo jira khasaara soo gaaray shacabka rayidka ah ee Wanllaweyn ku sugan.

Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle oo Dowladda Federaalka ugu magacaaban guddoomiye ku xigeenka Sh/Hoose ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada dagaallamay ay isku hayaan isbaarooyin si teel teel ah loosoo dhigay degmada Wanllaweyn iyo hareeraheeda.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka ugu culus uu ka dhacay laba isbaaro oo degmada Wanllaweyn uga beegan dhanka garoonka diyaaradaha Balidoogle, maleeshiyaadka dagaallamay ayaa isku adeegsanayay hubka culus ee ku rakiban gaadiidka Tiknikada loo yaqaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items