Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo ka dhacay degmooyinka Dharkeynleey iyo Huriwaa.

Saturday June 29, 2019 - 16:49:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo ka dhacay degmooyinka Dharkeynleey iyo Huriwaa.

    Wararka laga helayo degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax lagu dilay mid kamida Ergadii soo xushay qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Wararka laga helayo degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax lagu dilay mid kamida Ergadii soo xushay qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka.


Qarax maanta duhurkii ka dhacay xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeynleey ayaa sababay dhimashada Xasan Juuni oo kamid ahaa Ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa sababay dhimashada Ergayga uu waxyeello xooggan gaarsiiyay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay,
Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka, qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Huriwaa iyo isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda labadii qarax ee maanta ka dhacay degmooyinka Dharkeynleey iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa dambe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items