Taliyaha Sirdoonka Yahuudda Oo Kashifay Sir ku saabsan Xiriirka kala dhaxeeya Dowladaha Carabta.

Tuesday July 02, 2019 - 21:05:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taliyaha Sirdoonka Yahuudda Oo Kashifay Sir ku saabsan Xiriirka kala dhaxeeya Dowladaha Carabta.

    Si aan horay loo arag maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka muslimiinta mandiqadda Shaam ayaa xaqiijiyay in dhowaan ay heshiis is xulufaysi ah lasaxiixan doonaan dowladaha mandiqadda khaliijka oo ay hala cadow yeesheen sida uu hadalka u dhig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si aan horay loo arag maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka muslimiinta mandiqadda Shaam ayaa xaqiijiyay in dhowaan ay heshiis is xulufaysi ah lasaxiixan doonaan dowladaha mandiqadda khaliijka oo ay hala cadow yeesheen sida uu hadalka u dhigay.



Markii ugu horraysay madaxa sirdoonka Yahuudda ee Muusaadka loo yaqaan ayaa ka hadlay is fahamka kala dhaxeeyo qaar kamid ah dowladaha Carabta ee mandiqadda,Jeneraal Yossi Cohen oo ah taliyaha sirdoonka dibadda Yahuudda ayaa warbaahinta u sheegay in heshiis nabad gelyo ay wada saxiixan doonaan dowladaha Carabta iyo Yahuudda si ay isaga kaashadaan dagaal ay lagalaan maamulka Shiicada Iiraan.

Jeneraal Yossi Cohen oo si mar la arag ugasoo hormuuqday warbaahinta ayaa ka shanqariyay in cilaaqaad dhan walba ah ay layeesheen dowladaha dawaaqiidda carabta islamarkaana ay hadda wada yeesheen cadow mid ah, wuxuu sheegay in maamulka Yahuudda iyo dowladahaas ay leeyihiin laba cadow oo ah argagaxisada oo uu ula jeedo jamaacaadka jihaadiga ah iyo dowladda iiraan.



wuxuu muujiyay ifafaale nabadeed iyo neecaaw deganaashiyo ah oo usoo galay dadka yahuudda kadib markii wadamada imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga ay maamulka lawareegeen Bin Salmaan iyo Bin Zaayad oo ah kuwa aad ugu fogaaday Yahuud jaceylka, wuxuu intaas raaciyay in ifafaalaha nabadda bariga dhexe ay xoogeysteen kadib markii Trump iyo Faladamiir Buutin ay khadka taleefanka kuwada hadleen ayna isla garteen dhisidda gola nabadeed oo bariga dhexe ka hana qaada.

Taliyaha sirdoonka yahuudda ayaa aad u amaanay dowladaha Urdun iyo Masar oo uu sheegay in ay gacan weyn ka geysteen sugidda ammaanka kiyaanka yahuudda, Bin Yameen Netenyaahu oo ah R/wasaaraha Yahuudda ayaa isna sheegay in maamulkiisu uu cilaaqaad buuxa laleeyahay dowladaha carabta.

Related Items