Askar katirsan dowladda Oo Warmaxan lagu dilay iyo Ciidamada AMISOM oo lagu Weeraray Qoryooleey.

Tuesday July 02, 2019 - 23:17:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar katirsan dowladda Oo Warmaxan lagu dilay iyo Ciidamada AMISOM oo lagu Weeraray Qoryooleey.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.



Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta gelinkii dambe weerar ku qaaday goob isbaaro ah oo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ay uga sugnaayeen deegaanka Warmaxan oo hoos taga degmada Afgooye.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay weerarka tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Mashalaay oo hoos yimaad degmada Qoryooleey, lama oga khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray weerarkaas.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items