40 Qof Tahriibayaal ah oo ku dhintay Duqeyn ka dhacday Wadanka Liibiya.

Wednesday July 03, 2019 - 07:55:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    40 Qof Tahriibayaal ah oo ku dhintay Duqeyn ka dhacday Wadanka Liibiya.

    Tobanaan qof shacab ah ayaa dhintay kuwa kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii diyaarado dagaal ay duqeeyeen goob lagu xabiso Tahriibayaasha sida sharci darrad ah ku taga wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof shacab ah ayaa dhintay kuwa kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii diyaarado dagaal ay duqeeyeen goob lagu xabiso Tahriibayaasha sida sharci darrad ah ku taga wadanka Liibiya.

Wararka ka imaanaya degmada Tajoura ee dhacda duleedka magaalada Daraabulis ee caasimadda Liibiya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Khaliifa Xiftar ay duqeeyeen xeryo lagu hayay Tahriibayaal ubadan Afrikaan.

Duqeymaha ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 40 qof Tahriibiyaal ah kuwaas oo ubadan Afrikaan, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dhaawacyadu ay gaarayaan 80 qof waxaana suurtagal ah in khasaaraha dhimashadu sii kordho saacad walba sababa laxiriira dhaawacyada qaarkood oo xaaladoodu liidato.


Degmada Tajoura ayaa kaabiga ku heysa caasimadda Liibiya waxayna xarun u tahay dadka Tahriibayaasha ah ee doonaya in ay usii tahriibaan wadamada qaaradda Yurub, Afhayeen u hadlay xukuumadda Alwifaaq ayaa sheegay in goobta laduqeeyay ay aheyd goob lagu xiro kuwa doonaya in ay sida dhuumaalaysiga ah ugu tahriibaan dhanka Talyaaniga wuxuuna ugu baaqay Q.Midoobay iyo Midowga Afrika in ay tallaab ka qaadaan Khaliifa Xaftar.

Duqeyntan ayaa imaanaysa Isbuuc kadib markii maleeshiyaadka Xaftar lagu jebiyay dagaalka Liibiya islamarkaana laga qabsaday magaalada Ghiryaan oo aheyd Taliskii melleteri ee laga maamulayay duullaankii uu Jeneraal Xaftar ku qabsan lahaa caasimadda Liibiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items