Al Shabaab Oo Weerar Khasaara dhaliyay ku qaadday Saldhigga Ciidanka Itoobiya ee deegaanka Halgan.

Wednesday July 03, 2019 - 16:33:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Khasaara dhaliyay ku qaadday Saldhigga Ciidanka Itoobiya ee deegaanka Halgan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale weerar hubeysan lagu qaaday ciidamo katirsan melleteriga Itoobiya oo saldhig ku leh bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale weerar hubeysan lagu qaaday ciidamo katirsan melleteriga Itoobiya oo saldhig ku leh bartamaha Soomaaliya.



Ciidamo katirsan  Xarakada Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa xalay weerar safballaaran ah ku qaaday askarta Xabashida Itoobiya ee heysta deegaanka Halgan iyadoo uu weerarku in muddo ah socday.

Tuulooyinka iyo degaanada u dhow Halgan ayaa waxaa si aad ah looga maqlayay hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta la isku adeegsanayay.

Wariye  ku sugan gobolka Hiiraan ayaa soo sheegay in dagaalkii cuslaa ee xalay ka dhacay deegaanka Halgan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan sedax katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.



Bishaan gudaheeda ayay xoogaga Al Shabaab weeraro is xigxigay ku qaadayeen saldhigyada ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan oo kala qeybiya degmooyinka Beled Weyne iyo Buulo Burde.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items