Jawaasiis u shaqeynayay Dowladaha Mareykanka iyo Kenya oo lagu dilay degmada Xagar Ee Jubbada Hoose [Warbixin].

Wednesday July 03, 2019 - 21:46:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaasiis u shaqeynayay Dowladaha Mareykanka iyo Kenya oo lagu dilay degmada Xagar Ee Jubbada Hoose [Warbixin].

    Fagaare weyn oo kuyaal degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose waxaa galabta isugusoo baxay boqolaal qof kuwaas oo daawanayay xukun dil ah oo lagu fuliyay Kooxo Jawaasiis ah oo u shaqeynayay dhinacyo cadow ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare weyn oo kuyaal degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose waxaa galabta isugusoo baxay boqolaal qof kuwaas oo daawanayay xukun dil ah oo lagu fuliyay Kooxo Jawaasiis ah oo u shaqeynayay dhinacyo cadow ah.



Qaadiga Maxkamadda Islaamiga Wilaayada Jubbooyinka ayaa fagaaraha ka akhriyay dambiyada ay galeen shabakaddan Jawaasiista ah oo ka koobneed illaa 5 ruux kuwaas oo u basaasayay dowlado iyo dhinacyo kala jinsiyado ah.

Hoos ka akhriso Magacyada Jawaasiista iyo Jihooyinka ay ushaqeynayeen

1-cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle) oo 59 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay Maleeshiyaadka Mareykanku Tababaray ee bangaraafta loo yaqaan



2-Cabdi kariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan PS
3-Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) oo 35 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay dowladda Kenya

4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da
5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaa wuxuu u basaasayay hay'adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Al Shabaab gobollada ay maamusho ku disho kooxaha jawaasiista ah ee indhaha u ah dowladaha sida tooska ah iyo sida dadban ugu lugta leh duullaanka ballaaran ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items