Al Shabaab oo Markale Oo Kooxo Jawaasiis ah ku laysay Gobollada Jubbooyinka.

Thursday July 04, 2019 - 21:15:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Markale Oo Kooxo Jawaasiis ah ku laysay Gobollada Jubbooyinka.

    Maalintii labaad oo Xiriir ah ayaa kooxo Jawaasiis ah lagu dilay gobollada Jubbooyinka ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal Jubbada dhexe
Maalintii labaad oo Xiriir ah ayaa kooxo Jawaasiis ah lagu dilay gobollada Jubbooyinka ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


fagaare kuyaal degmada Salagle ee Jubbada dhexe ayaa galabta lagu toogtay illaa 5 Nin Jawaasiis ah oo ubasaasayay dowlado shisheeye iyo maamullada dabadhilifyada ah ee kajira dalka Soomaaliya.

Jawaasiista ladilay laba kamid ah waxay basaasiin u ahaayeen sirdoonka dowladda Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan kuwaas oo diyaaradaha Drone-ka ku hagayay muslimiinta.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ah ayaa fagaaraha ka akhriyay xukunka ay mutaysteen Raggan Jawaasiista ah.


Hoos ka akhriso magacyada Jawaasiista ladilay iyo dhinacyada ay u shaqeynayeen.

1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka
2-Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur  oo 23 sana jir ah wuxuu ubasaasayay maamulka Jubaland

3-Cabdi Raxiim Axmed Yusuf oo 26 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka
4-Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo 29 sana jir ah wuxuu Basaas u ahaa maamulka Koonfur galbeed
5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Maleeshiyaadka Bangaraafta Mareykanka

Related Items