Dowladda Federaalka Oo aan Ka Jawaabin daan daansigii Itoobiya ayaa Xiriirka u jartay Guinea Conakry.

Thursday July 04, 2019 - 21:54:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo aan Ka Jawaabin daan daansigii Itoobiya ayaa Xiriirka u jartay Guinea Conakry.

    Axmed Ciise Cawad oo ku magacaaban Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay xiriirkii siyaasadeed u jartay dowlada Guinea Conakry oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Ciise Cawad oo ku magacaaban Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay xiriirkii siyaasadeed u jartay dowlada Guinea Conakry oo kamid ah dowalada Afrika ee Faqriga ah.



Xiriirka ay Dowlada Federaalka u jartay dalka Guinea ayay sabab uga dhigtay in uu meel uga dhacay qaranimada Soomaaliya!, sida muuqata waxay Villa Somalia ka carootay soo dhoweynta ay dowladda Guinea usameysay Muuse Biixi oo ah madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland'.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in haba yaraatee aysan wax xiriir ah ka dhaxayn dalka yar ee Guinea Conakry iyo dowladda Federaalka islamarkaana warka ah in xiriirkii loo jaray laga leeyahay buun buunin siyaasadeed iyo in  DF-ka ay iska khafiifiso cadaadiska ay kala kulmayso Kenya.



Waxaa xusid mudan in wasiirradda arrimaha dibadda Kenya ay bishii June ee lasoo dhaafay ay magaalada Nairobi ku qaabishay wafdi ka socday maamulka Somaliland ayna Kenya maamulka Hargeysa ugu yeertay dowlad madax banaan!.

Sidoo kale Bishii May ee lasoo dhaafay ayay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya soo saartay Khariirad muujinaysay in Soomaaliya lagu daray dalweynaha Itoobiya iyadoona Khariiraddu ay dowlado madax banaan u aqoonsatay maamullada Puntland iyo Somaliland illaa iyo hadana wax war ah kama dhihin dowladda Farmaajo.

Soomaaliya ayaa ah dal ku jira gummeysiga dowladaha Itoobiya  iyo Kenya waxaana gumeysiga ku gacan siinaya dowlado reergalbeed ah oo indho ka dhigtay maamul goboleedyo uu mid walba sheeganayo xasaanad.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items