Kenyatta "Waxaan dhibanayaal unahay Weerarada nooga imaanaya Argagaxisada Al Shabaab" [Warbixin].

Sunday July 07, 2019 - 12:29:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenyatta "Waxaan dhibanayaal unahay Weerarada nooga imaanaya Argagaxisada Al Shabaab" [Warbixin].

    Madaxweynaha Dowlada Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey TV-ga Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ku sheegay in dalkiisa uu weli wajahayo halis amni oo kaga imaaneysa Xarakada Al-Shabaab, islamarkaana ay dowladiisu la taca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlada Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey TV-ga Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ku sheegay in dalkiisa uu weli wajahayo halis amni oo kaga imaaneysa Xarakada Al-Shabaab, islamarkaana ay dowladiisu la tacaaleyso ka hortagga weerarada 'Mujaahidiinta' ee gudaha Kenya.


"Kenya waa wadan ku yaalla deegaan aad u nugul, taasi waa mid dhab ah, intaas waxaa sii dheer in aan heynno maxaabiis gaareysa hal milyan oo ka kala timid qeybo kala duwan oo ka mid ah gobolka, iyo in aan go’aansanay in aan caawinno dowladda Soomaaliya taas waxay keentay inaan la kulano caqabado  sidaas darteed nasiib xumo waxaanu noqonay kuwa bartilmaameed ah”ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Kenyatta ayaa walaac xooggan ka muujiyay kororka weerarada dagaalyahanada Xarakada  Al-Shabaab ee gudaha Kenya, isagoona tilmaamay in aysan weli ku guuleysan in ay hakiyaan ama ugu yaraan qafiifiyaan culeysyada amni ee uga imaanaya Shabaabul Mujaahidiin.



Laba todobaad ka hor inta aanan wareysigan lala yeelan waxaa ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada Police-ka Kenya lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Wajeer ee gobolka NFD.

Marka laga yimaado dhulka ku teedsan xuduudaha waxay Al Shabaab  sidoo kale horaantii sanadkan camaliyad abaabulan ka fuliyeen bartamaha magaalada Nairobi kadib markii bishii January ee sanadkan ay weerar ku qaadeen Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 50 qof oo dad reergalbeed ah ay kamid ahaayeen.

"Waxaan Muujinay Sugnaan iyo xoogaa hormar ah laakiin been baan kuu sheegay haddii aan iraahdo waan la falgalnay Mushkilada taagan oo waan xalinay. Waxaan weli wajaheynaa halis joogta ah oo nooga imaaneysa argigixisada balse kaligeen kuma nihine adduunyada oo idil ayaa faraha foodooda ku taagan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kenyaatta.

Dowlada daalimadda ah ee  Kenya ayaa duullaan ballaaran oo aan geed loogu soo gaban kusoo qaaday Soomaaliya sanadkii 2011-kii, iyadoo xilligaas ku goodineysay in ay cagta marin doonto awoodda Xarakada  Al-Shabaab, islamarkaana qabsan doonto wilaayaatka koonfureed ee dalka balse Allaah fadligii jihaadkii ay filayeen in ay dumiyaan ayaa u dusay Kenya islamarkaana dhimbilihiisu ku faafeen gobolada iyo magaalooyinka waa weyn ee wadankaasi.

Isha Warka: FoxNews

Related Items