Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde.

Monday July 08, 2019 - 10:20:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lala eegtay kolonyo ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah xilli ay sahay isku gudbinayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lala eegtay kolonyo ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah xilli ay sahay isku gudbinayeen.



Qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari nuuca ciidanka Xambaara ah ee Uuraalka loo yaqaan , ilo wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu gubtay gaariga Uuraalka ah ee qaraxu haleelay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii la socday.

Kolonyada gaadiidka ah ee qaraxa lagu beegsaday ayaa kasoo tallaabay Xuduud beenaadka waxayna kusii jeedeen dhanka degmada Xudur, dad ku sugan duleedka Ceelbarde ayaa sheegay in ay arkayeen uura madoow iyo qaac cirka isku shareeray daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay.



Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada Itoobiya qarax lagula beegsado gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items