Dagaalyahanno Katirsan Al-Shabaab Oo Cagta Mariyay Koontarool Ku Yaalla Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho.

Monday July 08, 2019 - 12:21:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalyahanno Katirsan Al-Shabaab Oo Cagta Mariyay Koontarool Ku Yaalla Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho.

    Wararka nagasoo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay barqanimadii maanta weerar xooggan ku qaadeen koontarool ku yaalla meel u dhow isgoyska Seeybiyaano ee degmada Hodan kaas oo ay joogeen maleesh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay barqanimadii maanta weerar xooggan ku qaadeen koontarool ku yaalla meel u dhow isgoyska Seeybiyaano ee degmada Hodan kaas oo ay joogeen maleeshiyaat ka tirsan DFS.


Ilo wareedyo iyo dad goob joogeyaal ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in dagaalayahannada Al-Shabaab ay u suuragashay in ay cagta mariyaan koontaroolka, islamarkaana ay laayaan maleeshiyaatkii ku sugnaa, ka dibna ay dib kaga soo gurteen goobta.

 

Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Idaacadda rasmiga ee Andalus u sheegay in ciidankooda ay xasmiyeen koontaroolka islamarkaana ay laayeen ciidankii halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidankooda iska caabiyeen ciidamo gurmad ah oo soo gaaray goobta kuwaas oo uu sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen.



"Koontaroolka cagta ayaan marinay ciidamadii joogayna waan leynay, ka dibna ciidankeena dib ayey kaga soo gurteen goobta marka laga reebo laba walaal oo halkaas nooga shahiiday” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al Shabaab.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan maleeshiyaatka DFS ayaa soo gaaray koontaroolka uu weerarku ka dhacay kuwaas oo xiray aagga, islamarkaana halkaas ka daabulay meydad iyo dhaawacyo u badnaa maleeshiyaatkii gurmadka iyo kuwii koontaroolka joogay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dharaar cad weerar ababulan ku qaadaan mid ka mid ah fariisimayaasha maleeshiyaatka DFS ee Muqdisho, balse weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyey ay hay’adaha amniga ee DFS ay qaadeen olole ballaaran oo lagu adkeynayo amniga magaalada.

Related Items