9 Askari oo ku dhimatay Weerarkii Ka Dhacay Koontaroolka Saybiyaano iyo Taliye dhaawacmay.

Monday July 08, 2019 - 20:39:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    9 Askari oo ku dhimatay Weerarkii Ka Dhacay Koontaroolka Saybiyaano iyo Taliye dhaawacmay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid xooggan waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 askari oo Boolis ah halka 25 kale ay dhaawacyo kasoo gaareen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadka dhintay uu kamid yahay nin sarkaal ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Geedi kaasi oo ahaa taliyaha barta koontarool ee laweeraray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawac garaab ah uu gaaray sarkaal lagu magacaabo Yaasiin Ganeey oo ah taliyaha Saldhigga Bartamaha oo qaabilsan ammaanka illaa Afar degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Related Items