Xoogaga Al Shabaab Oo Weeraray Saldhigyada Ciidamada Kenya ee Hoosingoow iyo Afmadoow.

Tuesday July 09, 2019 - 11:38:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al Shabaab Oo Weeraray Saldhigyada Ciidamada Kenya ee Hoosingoow iyo Afmadoow.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan ay lakulmeen saldhigyada ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin Afmadoow iyo Hoosingoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan ay lakulmeen saldhigyada ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin Afmadoow iyo Hoosingoow.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku qaaday saldhigga ciidamada gummeysiga Kenya ay ku leeyihiin degmada Afmadoow ee Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen xoogaga weerarka qaaday iyo ciidamada gummeysiga Kenya.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Hoosingoow ee ku dhow xuduud beenaadka ay wadaagaan  Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen Al Shabaab iyo melleteriga Kenya.


Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weeraradii xalay lagu qaaday saldhigyada ciidamada Gummeysiga Kenya ee Afmadoow iyo Hoosingoow waxayna qeyb ka yihiin halganka Jihaadiga ah ee lagu dhiig bixinayo soo duulayaasha gummeysiga ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items