Weerar 10 Askari lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Marka Sh/Hoose.

Thursday July 11, 2019 - 10:55:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 10 Askari lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Marka Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in halkaas uu xalay dagaal xooggan ku dhaxmaray xoogaga Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka.

Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa ka bilaawday duleedka magaalada Marka balse markii dambe ayuu dagaalku ku faafay gudaha magaalada halkaas oo uu ka dhacay dagaal khasaara badan dhaliyay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga shabaabul Mujaahidiin ay gudaha magaalada kula dagaallameen maleeshiyaadka dowladda, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkii xalay lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda halka 7 kale ay dhaawacyo soo gaareen.


Dagaalka Marka ayaa kusoo aadaya xilli Cabdi Casiis Laftagareen oo ah hoggaamiyaha maamulka Koonfur galbeed uu shalay safar dhanka cirka ah ku tagay xarunta Sh/hoose.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa xalay weeraro xooggan ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ay uga suganyihiin deegaanka Bariire ee duleedka Afgooye, hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen ayaa in mudda ah halkaas laga maqlayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items