Talibaan Oo Weerartay goob uu ku sugnaa taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afghanistan.

Thursday July 11, 2019 - 09:54:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talibaan Oo Weerartay goob uu ku sugnaa taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weeraro xooggan saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday cadaowga Jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weeraro xooggan saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday cadaowga Jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga wadankaasi.


Ciidamada Imaarada Islaamiga ayaa weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday goob ay ku sugnaayeen taliyaha ciidamada dowladda Mareykanka ee Afghanistan ninka lagu magacaabo Scott Miller iyo Asadullaahi Khaalid oo xukuumadda dabadhilifka Kaabuul ugu magacaaban wasiirka arrimaha gudaha.

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa lagu sheegay in weerarka oo ka dhacay magaalada Ghazni uu ahaa mid qorshaysan, sawaariikhda ayaa ku dhacday xarunta kulanku ka socday oo sidoo kale mas'uuliyiintii ku sugnaa uu kamid ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha xukuumadda Kaabuul.


Weerarka madaafiicda ah ayaa sababay in saraakiisha cadowga ay ku kala yaacaan kulanka waxaana jira baa layiri khasaara cadowga soo gaaray waloow aan tirakoob rasmi ah laga heyn.

dhinaca kale ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa la wareegay gacan ku heynta laba bar koontarool oo maleeshiyaadka xukuumadda ay ku lahaayeen gobolka Roozjaan, maleeshiyaadkii cadowga ayaa la sheegay in ay isaga firxadeen goobta dagaalka

Related Items