Xiisada ka dhax aloosmay Iiraan iyo Reergalbeedka Kadib markii uu si dirqi ah ku fakaday Markab laga leeyahay Britain.

Thursday July 11, 2019 - 21:07:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada ka dhax aloosmay Iiraan iyo Reergalbeedka Kadib markii uu si dirqi ah ku fakaday Markab laga leeyahay Britain.

    Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka u dhaxeeya dowladaha reergalbeedka iyo dowladda Shiicada Iiraan kaas oo ku saabsan isticmaalka Marin biyoodka caalamiga Hormuz.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka u dhaxeeya dowladaha reergalbeedka iyo dowladda Shiicada Iiraan kaas oo ku saabsan isticmaalka Marin biyoodka caalamiga Hormuz.

Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay in mid kamida Maraakiibteeda shidaalka kasoo daabula bariga dhexe uu shalay lakulmay isku day qafaalasha ah oo uga yimid dhank ciidanka badda Iiraan.

Xukuumadda London ayaa ku eedaysay Iiraan in ay weerar ku qaadday Markab lagu magacaabo British Heritage xilli uu kasii gudbiyay marin biyoodka Hormuz balse ay badbaadiyeen ciidamo la socday markab dagaal oo gelbinayay Markabka weerarka lala damcay.


Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa iyana sheegtay in doomo ay leedahay Iiraan ay u dhaqaaqeen dhanka Markabka British Heritage ee dowladda Ingiriiska balse uu digniin kala kulmay markab dagaal oo ay leedahay dowladda Ingiriiska.

Xukuumadda Shiicada Iiraan ayaa beenisay oo waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymaha uga imaanaya reergalbeedka waxayna ka digtay in dagaal lagu hoobto uu ka dhici doono mandiqadda bariga dhexe haddii uu sii socdo daandaansiga uga imaanaya Mareykanka iyo xulufadiisa.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items