Maqaal: Gummaysiga Qarsoon W/Q: Ahmed Caydaruus

Friday July 12, 2019 - 08:07:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Maqaal: Gummaysiga Qarsoon W/Q: Ahmed Caydaruus

    Maqaalkan aad hoos ka akhrisan kartaan wuxuu Macno mug weyn ka bixinayaa waa Maxaay Bani'aadanimada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reergalbeedka ayaa hay'ado badan usameeyay Bani'aadanimada
Maqaalkan aad hoos ka akhrisan kartaan wuxuu Macno mug weyn ka bixinayaa waa Maxaay Bani'aadanimada?



Maskaxdeennu waxa ay kaydisaa waxyaalaha aan maqlayno ama arkayno waliba qaab sawir ah ayay u xifdisaa. tusaale ahaan, marka aad maqashid "dhul’’ waxaa durbadiiba kugu soo dhacaya sawirka dhulka sidoo kale "cir” hadaad maqasho waxaad sawiranaysaa cirkii oo buluug ah oo korkaaga ka muuqda, kursi, miis, buug, qalin…. Maxaa kugu soo dhacay?, dabcan Mid waliba sawirkiisii ayaa ku hor imanaya marka aad maqasho. waa sidaas oo kale wax walba oo aan maqalno maskaxduna ay kaydiso. Arrintaasi waxay ku timaaddaa marka aad shay cusub barato maskaxdaadu waxay kaydinaysaa sawirka shaygaas iyo magacii aad u baratay, hadaad markale maqasho magicii isla markiiba maskaxdu waxay kusoo hordhigaysaa sawirkii ay ka qaadday shaygaas kolkaas ayaad adiguna garanaysaa.



Xagjir.. Argagixiso.. Qolyaha mayalka adag!! Maxaa kugu soo dhacay marka aad intaa maqashay? Dabcan Muslin iyo wadaad garwayn…. ilbax markaad maqashana maxay maskaxdaadu sawiratay? Maxaa ku soo deg degay maskaxdaada? Waxay u badan tahay qof ama dawlad reer galbeed ah inaad sawiratay, ama ugu yaraan qof dabar aan lahayn oo sameeya wuxuu rabo.

Dagaalka dhanka maskaxda ah waxaa kamid ah in la sameeyo erey bixinno cusub kadibna lagu celceliyo illaa ay kaga sawirmayso maskaxda qofka larabo in laqaabeeyo, sidaasna hab fikirka qofkaas lagu maamulo wixii larabana lagu dhejiyo maskaxdiisa.

Aan isdul taagno hal eray oo kamid ah erayada sidii loogu celcelinayay dadka maskaxdooda ku dhagay una hirgalay sidii ay u rabeen cadawga islaamka… dadkuna ay isaga hal qabsadaan iyaga oo aan fahamsanayn ujeedka dhabta ah ee loola jeedo eraygaas.

Eray bixintaas waxaa afka carabiga lagu yidhaahdaa الانسانية afka qalaadna waxaa lagu dhahaa ‘’Humanity’’ Soomaalidi marka ay cabbirayaan erayadaas waxay adeegsadaan " banii’aadanimo’’ tusaale waxaa maqlaysaa waxaasi wuxuu ka baxsan yahay banii’aadannimada!! Dadka qaybna waxay isticmaalaan dadnimada ama insaaniyada ayuu falkaasi ka baxsan yahay.

Hadaba, aan jarribno maskaxdeennee maxaa kugu soo dhaca marka aad maqasho insaaniya ama dadnimo ama banii’aadannimo!

Naxariis, wanaag, dhimrin, dulqaad… intaas iyo in lamid ah oo wanaag oo dhan ka tarjumaya ayaa maskaxda qof walba kusoo dhacaysa marka la sheego eray-bixintaas.

Hadaba aan iswaydiinnee: maxay xoogga u saaraan eraygaas? Maxay ugu soo celceliyaan? Maxaa saxaafaddu ay aad ugu buunbuunisaa eraygaas?. Waa maxay insaaniya/dadnimada la rabo in maskaxdeenna lagu sawiro?.

Majirto cid kaasiin karta macne dhab ah eray-bixintaas. cid isku shiddaysa raadinta macnihiisana maleh… waa eray mala-awaal ah laakin waxaa xogga lasaaray sidii loogu dhejin lahaa eraygaas maskaxdeenna si uu u noqdo eray u taagan waxkasta oo wanaag ah sida (deeqsinimada, dabacsanaanta, jacaylka, cafinta..iwm).

Hadaba su’aasha imaanaysa waxa weeye eraygaasi ‘’insaaniya’’ muxuu u taaganyahay? Muxuu bedel ka yahay? Ogow eraykasta oo ay buun buuniyaan wuxuu beddel u yahay eray kale oo larabo in Meesha laga saaro ama la fool xumeeyo sawirkiisa.

Marabtaa inaad ogaatid waxa uu bedel-ka kayahay erayga insaaniya ama badnii’aadannimo?

Bal is bar-bardhig labadan eray ‘’ Banii’aadannimo’’ & ‘’Islaam’’? Maxaa kugu soo dhacay marka aad maqashay binaa’aadannimo? Maxaase kugu soo dhacay marka aad maqashay islaam? Sida aan soo marnay banii’aadannimo ama insaaniya qofku markuu maqlo waxaa kugu soo deg-degaya wanaag barax tiran oo aan lahayn wax ladhibsado, hadaba marka aad maqasho islaam ma sidoo kalaa? Ma wanaag oo dhan ayaa kugu soo dhaca (sida Naxariis, Jacayl, dhimrin, badbaado, nabadgalyo) mise wax kaduwan? Maskaxdaadu waxay ku siinaysaa marka ay maqasho ‘’Islaam’’ waa sawir barxan oo saafi aan ahayn kana kooban macaani iska soo horjeeda sida Naxiirs, dil, Nabadgalyo, dagaal, dhiig, hishiis iwm…

Iminka ma fahantay ujeedka laga leeyahay erayga ‘’ dadnimo ama insaaniya’’? waxay doonayaan in Maskaxdaadu isla markiiba hesho sawirkaas nadiifka ah ee quruxda badan. Laakin diin marka aad maqasho (diintay doonto ha noqotee) si gaar ah islaam marka aad maqasho waxa kugu soo dhacaya sawir barxan oo ka kooban wax wanaagsan iyo wax xunba.

Si kale hadaan kuugu dhigo, waxay doonayaan inay banii’aadanka oo idil ay ku kulmiyaan waxa ay iyagu doonayaan sida ay iyagu rabaanna ay u fakaraan..u jeedku waa inaan lagaa maqal muslin iyo gaal maxaa yeelay waxaa jira wax dadka oo idil ay ka siman yihiin oo ay Khasab tahay adiga iyo dadka oo idil inay isku waafaqaan iyada oo aan loo eegayn diin iyo dhaqan midna.

Banii’aadannimadu waxay kulminaysaa dadka oo idil (iyada oo aan loo eegayn diinta, koox, asal/fir, dhaqan iwm.) sidaas ayay kuu sawirayaan. Marka aad tiraahdo banii’aadannimo meelkasta oo aad adduunka ka joogto waxay noqonaysaa mid lawada oggol yahay loona wada istaagayo, qofkii dhib wadayna joojinaysa haddii layidhaahdo ficilkaagu insaaniyada ayuu kasoo horjeedaa..

Hadaba ma runbaa in banii’aadannimadu tahay mid lawada tixgeliyo loona wada istaago?.

Tusaale. Banii’aadannimada Maraykanka, ama midda ingiriiska ama tan ruushka ma tahay mid lamid ah midda ay naga doonayaan inaan ku dhaqanno ama tixgelinno ama aan caabudno? Si kale haddaan kuugu dhigo insaaniyada quruxda badan ee maskaxdaada ku jirta ma ku dhaqmaan dawladahaasi? Feker!! Oo eeg banii’aadannimada reer galbeedku nooca ay tahay? Binii’aadannimadoodu matahay midda ay nooga sheekeeyaan oo kale?.

Waxaa kuusoo baxaya in banii’aadannimada lagugu xuuxiyo ay tahay agtooda mid ku eg afka baarkiisa laakin waaqicooda aysan saamayn ku lahayn aysanna ku dhaqmin. Laakin adiga waxaa waajib kugu ah inaad ilaaliso banii’aadannimada ama insaaniyada meelna uma dhaafi kartid.

Hadaba aan eegno qur’aanku muxuu ka yidhi arintaas, horta ma jirtaa meel qur’aanka ama diinta islaamka looga hadlay insaaniya.

Qur’aanka waxaa lagu xusay insaan in kabadan 50 jeer, kamana soo helaysid meel lagu ammaanayo insaan ee kulli waxay muujinayaan nusqaan iyo yaraanta arrintiisa.

 

إِنَّالْإِنْسَانَلَكَفُورٌ

وَبَدَأَخَلْقَالْإِنْسَانِمِنْطِينٍ

وَحَمَلَهَاالْإِنْسَانُإِنَّهُكَانَظَلُومًاجَهُولًا

يُرِيدُاللَّهُأَنْيُخَفِّفَعَنْكُمْوَخُلِقَالْإِنْسَانُضَعِيفًا

وَكَانَالْإِنْسَانُعَجُولًا

Halkaa waxaa kaaga soo baxaysa in insaaniyaddu aysan ahayn mid saafi ah oo kulansanaysa wanaag oo dhan. Oo hadday saa tahay (insaaniyadu ay wanaag oo dhan iyada ku dhan yihiin) Maxaa keenay fasaadka iyo dhibta iyo xumaanta? Muxuu Alle u soodiray rususha? Maxaase dadku uga kooban yahay kuwo wanaag doon ah iyo kuwo shar doon ah? Maxaase keenay fasaadka dunida buuxa? soo maahan mid insaanku keenay sida Alle noo sheegay

ظهر الفساد في البر والبحر بما كسبت أيدي الناس

Maxay tahay insaaniyadu marka hadiiba dadku ka kooban yahay wanaag iyo shar labadaba? Waa dhici kartaa in wanaaggiisu ka kor maro sharkiisa laakin majiro qof wada wanaag ah ama wada xumaan ah.

Hadba maxay u doonayaan inaan insaaniyada u aragno mid barax tiran oo koobaysa macaanida wanaagga oo idil? Waxay rabaan inay kaa fogeeyaan wax walba oo Alle kuu dhawayn kara maxaa yeelay waxaa laguu tusayaa diintu inay tahay mid aan barax tirnayn maxaa yeelay waxaa kujira qisaas iyo gacma goyn, diintu waxay dabraysaa qofka xorriyaddiisa, islaamku jihaad ayuu leeyahay oo dad ayuu dhiigooda daadiyaa…. Waxyaabahaas iyo kuwo lamid ah ayaa larbaa in qofka maskaxdiisa lagu sawiro si uu uga dido marka uu maqli diin halka insaaniyadana loo tusayo in ay tahay mid waxaasoo dhan ka barax la’ oo saafi ah wixii wanaag ahna ay iyada ku dhan yihiin ayna tahay in ay dadka wada ixtiraamaan iyada.

Waxaad maqlaysaa: ‘’qofkaasi waa insaani ama banii’aadannimo ayuu leeyahay, qofkaasi masaakiinta ayuu u roonyahay maxaa yeelay wuxuu wax ka yaqaan banii’aadannimada. Taasi miyaysan ahayn qofku wuxuu rabo ayuu noqon karaa (mulxid, mushrig, mid shahawaadkiisa iska dhex dabaasha, xataa dadka dila…haa waad layn-kartaa dadka mar haddii qalbigaagu u jilicsanyahay masaakiinta waxaa tahay insaani) fiiri halka ay gaarsiisantahay ku ciyaaridda caqligaaga, waxaad arkaysaa askari balaayiin qof kusoo xasuuqay ciraaq, ama afgaanistaan oo markii uu gurigiisa tago aad ugu ilmaynaya eygiisii yaraa ee guriga u joogay xiiso & jacayl dartiis.. maxay ku leeyihiin mataqaan… bal fiiri askarigaas insaaniyadiisa! Hafiirin wixii uu soolaayay fiiri sida uu ugu ooyayo eygaas ay muddada kala maqnaayeen!!! Iyaga oo sii dhiirigelinaya insaaniyada ninkaas ayay ku leeyihiin ‘’Insaanku wuxuu eegaa waxyaabaha wanaagsan ee qofka kasoo baxaya ee ma eego diintiisa iyo afcaashiisa xun xun’’!!.

Fiiri Meesha ay ku gaarsiinayaan, waxaad gaaraysaa heer aad is aragto adiga oo ka didaya inaad gaalka ku tiraahdo gaal!! Haa kuma dhihi kartid maxaa yeelay waa qof kula mid ah oo birri soo islaami kara !! waxaad arkaysaa kuwo gaal bakhtiyay odhanaya naxariis ayaan Alle u waydiinaynaa maaddaama intuu dunida joogay uu insaani ahaa!! Haa adigana insaani noqo hakala bakhaylin ducada!!!.

Yuhuudda ha nicin muslinow!! Insaani noqon muslinow!! Cadawgaaga ha habaarin muslinow insaani noqo muslinow!! Qaybtaada insaaniga ah ha shaqayso muslinow iskadaa cadaawadda iyo nacaybka muslinow!! Ha noqon xagjir! Intaas maxaad ugu celcelisaa Allah baa sidaa yidhi ama rasuulkaa yidhi, insaaniyada fiiri diinta meel iska dhig.

Laakin iyaga agtooda ma taal wax insaaniyad la dhoho, kay rabaan ayay dilayaan, waddanka ay rabaan ayay ku duulayaan, kay rabaan ayay xidhayaan, markay fursad kugu helaan ku dayn mayaan.

…………DHAMMAAD……….

Wixii fikir ah qoraaga waxaad ugu gudbin kartaa: [email protected]

Related Items