Xarakada Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada weerar xooggan oo ka socda hotel kuyaal magaalada Kismaayo

Friday July 12, 2019 - 18:44:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada weerar xooggan oo ka socda hotel kuyaal magaalada Kismaayo

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar xooggan ku qaaday mid kamida Hoteellada ugu waaweyn magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar xooggan ku qaaday mid kamida Hoteellada ugu waaweyn magaalada Kismaayo.

Jugta qarax xooggan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Hoteel ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo oo ay deganyihiin siyaasiyiin iyo mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteelka Casaseey "Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Ridada Jubbaland" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hoteelka Cascaseey halkaas oo ay ka wadaan toogasho.

Wixii kusoo hordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items