Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Hoteelka Cascaseey ee Magaalada Kismaayo.

Friday July 12, 2019 - 20:08:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Hoteelka Cascaseey ee Magaalada Kismaayo.

    Waxaa sii xoogeystay weerarkii xooganaa ee maanta gelinkii dambe ka bilaawday gudaha magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay weerarkii xooganaa ee maanta gelinkii dambe ka bilaawday gudaha magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.


Weerarka oo ku billaawday qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay waxaa xigay dagaalyahanno hubeysan oo gudaha ugu daatay Hoteelka Cascaseey oo kamid ah Hoteellada ugu waaweyn magaalada xeebta Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta hoteelka oo ah mid amnigiisa si aad ah loo ilaaliyo waxaana deganaa saraakiil katirsan maamulka 'Jubbaland' iyo siyaasiyiin.


Jugta qaraxyo iyo jabaqda rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa Hoteelka uu dagaalku ka socdo, magaalada Kismaayo waxaa ku sugan kumanaan askari oo ka socda dowladaha Kenya iyo Itoobiya sidoo kale waxaa garoonka Kismaayo saldhig ku leh ciidamada dowladda Mareykanka.


Wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items