Qaraxyo Ciidamo lagula Beegsaday duleedyada Magaalooyinka Boosaaso iyo Kismaayo.

Sunday July 14, 2019 - 12:03:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Ciidamo lagula Beegsaday duleedyada Magaalooyinka Boosaaso iyo Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari aya sheegaya in qarax xooggan lala eegtay ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari aya sheegaya in qarax xooggan lala eegtay ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Puntland.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Daraawiishta Puntland wuxuuna ka dhacay deegaanka Balli Khadar ee duleedka Boosaaso.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu waxyeello gaarsiiyay ciidamo katirsan maamulka Puntland kuwaas oo ka amba baxay magaalada Boosaaso kunasii jeeday deegaanka Galgala.

Dhinaca kale qaraxyo is xigxigay ayaa ciidamo katirsan dowladda Mareykanka iyo maleeshiyaad Bangaraaf ah lagula beegsaday deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo.


Warar laga helay Baar Sanguuni ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo huwan ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items