Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weeraro ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Sunday July 14, 2019 - 12:14:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weeraro ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

    Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weeraro lagu beegsaday xubno katirsan Kooxaha isugu yeera Ahlusunna ee xiriirka laleh dowladda Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weeraro lagu beegsaday xubno katirsan Kooxaha isugu yeera Ahlusunna ee xiriirka laleh dowladda Xabashida Itoobiya.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda laba weerar oo ka dhacay bartamaha magaalada "Mujaahidiinta ayaa howlgallo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Mushrikiinta ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee wilaayada Galguduud" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in maanta barqadii laba qarax oo is xigxigay ay ka dhaceen gudaha magaalada, qaraxa koowaad ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Xerada Inji oo uu ka socdo diiwaangelinta Maleeshiyaadka Kooxaha mushrikiinta kuwaas oo lagu biirinayo ciidamada dowladda Federaalka.


Daqiiqado kadib markii uu qaraxa koowaad dhacay ayaa qarax labaad laga maqlay magaalada waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay, qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Dhuusamareeb ku suganyahay Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha dowladda Federaalka waxaana magaalada shalay gaaray wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Qadar iyo saraakiil ciidan oo Ajaanib ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyadii maanta dhacay ahaayeen kuwa miino, warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in qaraxyada mid kamida uu fuliyay ruux naftiis hure ah balse xaqiiqda ayaa ah in qaraxyadu ay ka dhaceen goobo isku imaatin ah mana jirin ruux isqarxiyay.

Al Shabaab ayaa sanaddii 2012 sidaan oo kale qarax uga fulisay magaalada Dhuusamareeb waxaana qaraxaas ku dhintay mas'uuliyiin uu kamid ahaa Xildhibaan Seeraar oo katirsanaa baarlamaanka dowladdii Shariif Sheekh Axmed gacan saarna lalahaa dowladda Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items