Tony Blair "Duullaankii Aan Ciraaq Ku Qaadnay Sabab Uma Aheyn Xoogeysashada Islaamiyiinta".

Sunday June 15, 2014 - 17:25:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tony Blair "Duullaankii Aan Ciraaq Ku Qaadnay Sabab Uma Aheyn Xoogeysashada Islaamiyiinta".

    R/wasaarihii hore ee wadanka Ingiriiska Tony Blair ayaa markii ugu horreysay ka hadlay guul darrada taageerayaasha reer galbeedka kasoo gaartay wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tony Blair iyo Bush oo wada fadhiya, july,2004
R/wasaarihii hore ee wadanka Ingiriiska Tony Blair ayaa markii ugu horreysay ka hadlay guul darrada taageerayaasha reer galbeedka kasoo gaartay wadanka Ciraaq.

Isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu Tony Blair beeniyay eedaymaha ku aadan in duullaankii ay ciidamada Ingiriiska iyo Mareykanka ku qaadeen Ciraaq sanaddii 2003 ay sabab u tahay dagaalka Ciraaq ee sii daba dheeraaday ugu dambeyntiina sababay in muslimiinta sunniga ah kacdoomaan.

"kuwa ku doodaya in duullaankii Ciraaq lagu qaaday waqtigii aan R/wasaaraha ahaa uu sabab u yahay xoogeysiga islaamiyiinta been bay sheegayaan xaaladdu sidaasi ma ahan”ayuu Blair.


Tony Blair oo G.W.Bush madaxweynihii Mareykanku ku garabsiiyay rididdii Xukuumaddii Saddaam Xuseen ayaa xoogeysiga mujaahidiinta dowladda Islaamiga Ciraaq ku sababeeyay dagaalka ka socda wadanka Suuriya mudada sedaxda sana ah.

"Qabsashada magaalada Muusil ee xoogaga islaamiga ah waxaa lagasoo abaabulay dhanka wadanka Suuriya oo ISIS awood balaaran ku leedahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Blair.

Tony oo wadamada reer galbeedka ugu magacaaban madaxa guddiga afar geesoodka Bariga dhexe ayaa walaac ballaaran ka muujiyay in mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah sharciga islaamka kusoo rogaan wadanka Ciraaq.

"waa in si adag looga jawaabaa daandaansiga islaamiyiinta xagjirka ah ee doonaya in ay shareecada islaamka kusoo rogaan Ciraaq waa in arrinta suuriya degdeg loo xalliyaa” Blair.

Caddeymaha Tony Blair ayaa kusoo aadaya xilli muslimiinta sunniga ah 11 sanadood kadib ay iska xureeyeen maleeshiyaadka shiicada cadawga iyo ciidankii shisheeye ee dalkooda kusoo duulay.


Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items