Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ku dhintay Qarax ka dhacay deegaan katirsan Gobolka Hiiraan.

Monday July 15, 2019 - 21:17:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ku dhintay Qarax ka dhacay deegaan katirsan Gobolka Hiiraan.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo ciidamo Itoobiyaan ah lagula beegsaday deegaan dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo ciidamo Itoobiyaan ah lagula beegsaday deegaan dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah xilli ay ku socdaalayeen gudaha deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu beegsaday gaari Uuraal ah oo ay la socdeen tobaneeyo askari, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ugu yaraan 20 askari Itoobiyaan ah.

Ciidamada laqarxiyay ayaa isaga kala gooshayay laba saldhig oo ay ku leeyihiin daafadaha deegaanka Halgan, Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda qaraxan lala beegsaday ciidamada gummeysiga Itoobiya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items