Ciidamo ku dhaawacmay qarax lagula beegsaday degmada Waaberi.

Tuesday July 16, 2019 - 09:49:12 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ku dhaawacmay qarax lagula beegsaday degmada Waaberi.

    Ciidamo katirsan booliska dowladda Federaalka ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan booliska dowladda Federaalka ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 2 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo lagula beegsaday gudaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax miino uu haleelay gaari Tiknika ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda balse lamasoo sheegin khasaara dhimasho ah oo gaaray ciidamada qaraxa lala beegsaday.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan ka dhacay degmada Waaberi balse wali war wax ar kamasoo bixin maamulka gobolka Banaadir oo ku aaddan qaraxa ciidamada lagula beegsaday gobolka Banaadir.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items