Laba ruux isku qoys ah oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Tuesday July 16, 2019 - 11:34:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba ruux isku qoys ah oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

    Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay labo wiil oo isla dhashey, kuwaas oo watay mootada loo yaqaano Bajaajta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay labo wiil oo isla dhashey, kuwaas oo watay mootada loo yaqaano Bajaajta.



Askari katirsan ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo marayay wadada laamiga ah, xilli gawaari aad u badan ay marayeen laamiga.

Askariga ayaa rasaastii uu furay waxay heleeshey labo wiil oo isla dhashey, islamarkaana watay mootada bajaajta, kuwaas oo isticmaalayay wadada isku xirta Ceelasha iyo Afgooye.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askariga markii uu dilka geystay uu ka dhaqaaqay goobta, isagoo ku baxsaday moota nooca dheereysa ah.



Askarta dowladda ayaan u aaba yeelin nolosha dadka shacabka ah, waxaana inbadan ka dhaca goobaha ay ciidamadu ka joogaan dalka dilal bareer ah oo aan la ogeyn waxa rasmiga ah ee keenay.

Xigash: Radio Alfurqaan

Related Items